DHAGEYSO: Xisbiga Waddani oo ka adkaaday Kulmiye & Guusha Batuun

0

194847665 532736884814861 3398856821643634315 N

Natiijadaan oo isha lagu wada hayey Gobolka Maroodi jeex Ee Xildhibaanada Golah wakiilada ayaa salaadii subax markii loo dhawaa lagu dhawaaqay natiijada hordhaca ah.

Dad badan ayaa xalay seexan si ay ula socdaan Natiijada la sugayey maalmihii dambe,xisbi walbana waxa uu rajeynayey in guusha ay helaan xubnaha ugu badan.

Xisbiga Kulmiye ayaa noqday kan ugu badan Gobolka Maroodi Jeex oo Hargeysa Caasimada utahay iyadoo Boqol kun shan boqol tiro ka badan codad ah helay iyadoo Xisbiga kusoo xigo yahay Waddani oo helay codad ka badan sagaashan iyo sagaal kun cod.

Barkhad Jaamac Batuun oo ah murashaxa ugu saameynta badnaa Golaha wakiilada sanadkaan islamarkaana kasoo jeeda dadka la heyb sooco ayaa guuleystay oo ka socday Xisbiga waddani iyadoo sidoo kale Abwaan Xasan Dhuxul Laab Saalax oo ka tartamayey xisbiga Kulmiye isna guushiisa la shaaciyey.

Barkhad Batuun ayaa noqday Xildhibaanka ugu codka badnaa isagoo 20 kun wax ka badan uu ku guuleystay.

Guddiga Doorashada Soomaaliland uqaabilsanaa Gobolka Maroodi jeex ayaa shaaciyey Natiijada sida loo kala guuleystay iyo magacyada xubnaha kusoo baxay Xildhibaanada Wakiilada waloow natiijadu weli tahay mid hordhac ah.

Halkaan Hoose ka dhageyso codka