Xukuumada Soomaaliya oo bixin weysay Mushaarka Ciidamada

0

Ciidan 620x330

Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Dr Cabdiraxman Ducaale Beyle ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook waxa uu kaga hadlay dhaqaale ay weydiisteen Shacabka.

Wasiir Beyle ayaa akoono shacabka la wadaagay si ay dhaqaale ugu taageeraan ciidamada qalabka sida,balse ma uusan sheegin in mushaarkii ciidanka ay Dawlada ku filnaan weysay bixintiisa.

2

“Si aan u helno cuddud xoog leh, dhammaanteen waxaa nagu waajib ah in aan garab istaagno #CIIDAMADEENA maxaa yeelay Har iyo Habeen waxa ay u taagan yihiin difaaca Dadka iyo Dalka.

Muwaadin ka qeyb qaado taageerada #CIIDANKA_QARANKA.

1

Hadalka Wasiir Beyle ayaa umuuqda mid labo bil gudaheed markii 3aad uu muujiyo Dawlada inay soo food saartay lacag yari baahsan oo markaan xitaa mushaarkii ciidamada la bixin la’yahay sida laga dareemayey qoraalkiisa.