Axmed Madoobe oo xil cusub umagacaabay Wasiirkii hore Ee Warfaafinta

0

Axmed Madoobe

Digreeto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa waxa maanta oo isniin ah ku magacaabay Gudoomiyaha Gudigga qoxootiga iyo barakacayaasha.

Eng, Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed ayaa hore usoo noqday Wasiirkii Warfaafinta,Isgaarsiinta iyo Boostada Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in wada tashi uu la sameeyey Madaxweyne kuxigeenada kadib,markuu arkay qibrada uu uleeyahay Howshaan uu Cabdi Xuseen umagacaabay Xilkaan culus.

Caasimada Jubbaland waxaa kusugan gaar ahaan xaafada loo yaqaano New Kismaayo barakacayaal kasoo laabtay Xeryaha Qaxootiga Kenya taas oo dib udejin loo sameeyey.

Axmed Madoobe ayaa kula dar daarmay mas’uulka cusub in uu kasoo dhalaalo xilkaan loo magacaabay .

Eng, Cabdi Xuseen ayaa waxa hor yaalla shaqo culus marka loo eego,barakacayaasha kusugan gudaha Jubbaland oo baad iyo biyo ku filan aysan helin.