Ciidamada Gor gor oo la geeyey maanta dhuuso mareeb (Sababta)

0

Gg 660x430

Diyaarad ay la socdeen ciidamo katirsan kuwa Xoogga dalka Guutada loo yaqaano Gor gor ayaa waxa maanta ay ka degtay Magaalada Dhuuso mareeb Ee Caasimada Galmudug.

Ciidankaan oo laga daabulay Muqdisho ayaa la sheegay inay tiradooda gaareyso 50 Askari,waxaana ay bilow u yihiin ciidan kale oo xoojin looga dhigayo oo dhawaan isla dhuuso mareeb loo qaadi doono.

Garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur Ee Dhuuso mareeb ayaa ciidankaasi diyaarada waday markii ay ka degtay waxa looga soo qaaday gaadiid nuuca dagaalka ah kadibna la geeyey goob loogu talo galay.

Warbaahinta ayaa ogaatay in askartaan loogu talo galay sugida Amniga goobaha doorashooyinka ka dhacayaan Dhuuso mareeb,taas oo ololaha doorasho hadda laga dareemayo halkaasi.

Murasharaxiin dhowr ah oo uhanqal taagaya Kuraasta Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ayaa kulamo siyaasadeed ka wada Galmudug si ay ugu soo baxaana Kuraastaasi dedaal ku bixinaya.

Ciidankaan maanta laga dejiyey Caasimada Gobolka Gal gaduud ayaa kusoo aadaya xilli ciidamo shalay la geeyey Jowhar oo Booliska Haramacad ah,dhawaana la filayo in Gobolka Gedo kuwo kale loo daabulo.