Cod lasoo duubay oo lagu xaqiijiyey geerida Hogaamiyihii Boko Haram

0

Screenshot 20200215 103841

Sida lagu baahiyey cod lasoo duubay waxaa jirtay in garabka Dawlada Islaamiga Nigeria ka dagaalanta ISWAAB ayaa lagu faafiyey war sheegaya in uu dhintay Abuubakar Shekaaw oo ahaa Hogaamiyihii Kooxda Boko Haram.

Codkaasi oo ay dhageysatay Wakaalada Wararka Reuters waxay sheegtay in qof u cod eg Hogaamiyaha Kooxda ISWAAB Abuu Muscab Al Barwaani uu ahaa kaasi oo sheegayey in Abuubakar shekaaw uu bil ka hor is qarxiyey.

Weli Dawlada Nigeria kama aysan hadlin geerida Hogaamiyihii Boko Haram,iyadoo hadii Khabarkaan run noqdo uu sameyn ku yeelan doono hanaankii dagaal ee kooxda.

Ilaa 2009 ayuu ninkaan Abuubakar Shekaaw soo ahaa Hogaamiyaha Boko Haram markaasi uu bedelay ninkii isaga ka horeeyey oo lagu magacaabi jiray Maxamed Yuusuf oo aas aasay Kooxdaan.

48 sano jir ayuu Ahaa Shekaaw,waxaana dadka yaqaanay ay ku tilmaamaan mid mayal adag oo dagaalka mararka qaar safka hore geli jiray,aadna u canaanan jiray dagaalamayaasha la joogta.