Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid Oo Lacag laga rabo inuu bixiyo

0

Saciid 640x426

Mashruuc lagu dhisayo Xarunta Wasaarada Arimaha Deegaanka Galmudug ayaa laga daah furay Magaalada Dhuuso mareeb Ee Caasimada Maamulkaasi.

Wasiirka Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada Galmudug Siciid Siyaad Shirwac ayaa Ka dalbaday Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug inuu ka taageero dhaqaalaha ku baxaya dhismaha Xarunta Wasaaradaasi ee la dhisayo.

Waxa uu sheegay in dedaal badan ay ka wasaarad ahaan ku bixiyeen inay meeshaan soo gaarsiiyaan loona baahan yahay in la gacan qabto.


Sidoo kale Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa bogaadiyey sida Wasiir Shirwac iyo Howlwadeenadiisa isbadelka muuqda ukeeneen isagoo sheegay inay taageero dhaqaale dhismahaan ka saacidi doonaan.