Sababta C/kiriin Guuleed Gabar Adeer u yahay uga saaray Guddiga Doorashooyinka

0

3d57ef05 D75a 4c22 9112 25f121351ebc

Murashax Madaxweyne C/kiriin Xuseen Guuleed ayaa waxa uu ka hadlay guddiga Doorashada Soomaaliya liiska xubnaha guddiga laga saaray.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Guuleed uu dedaal ku bixiyey Gabar Beesha Sacad kasoo jeedo oo Guddiga Doorashooyinka ku jirtay taas oo keentay in codsigiisa la aqbalo gudigana laga saaray.

Ma cada sababta rasmiga ah uu daba galka ku bixiyey Guuleed uu uga saaro doonayey Guddigaasi,gabadha uu adeerka u ahaa.

Warar ayaa sheegaya in C/kiriin Guuleed oo ah Gudoomiyaha Xisbiga SAHAN uu qoonsaday Gabadha uu ku riixay in beesha ku matesho wiil ay saaxiibo ahaayeen oo madaxweyne Farmaajo adeer u yahay.

Ra’iisal Wasaare Rooble oo ay isku beel yihiin Guuleed ayuu umaray howshaasi waana tan keentay inuu ku guuleysto qorshihii uu dejiyey.

Guuleed ayaa saacado kadib soo saaray Qoraal uu kusoo dhaweenayey turxaanbixinta lagu sameeyey guddiga Doorashada xilli dalabkiisii la fuliyey oo gabadhii adeerka u ahaa laga saaray.

Wasiirkii Amniga ayuu mar soo noqday C/kiriin Guuleed,isagoo sidoo kale saaxiib dhaw la ahaa Xasan Sheekh Maxamuud balse hadda ay ku kala tegeen qorshaha siyaasada xisbi ugaar ahna uu sameystay.