Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xassan Maxamed Xijar ayaa Xarunta Ciidanka Booliska ee RRT ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingriiska u Fadhiya Soomaaliya Kate Foster oo ay ka wada hadleen kordhinta iyo qalabeynta ciidanka RRT.
Labada Masuul ayaa waxaa ay wadajir xariga uga jareen qeyb cusub oo lagu kordhiyay xarunta safaaradda Ingiriiska ee magaalada Muqdisho.
Ingiriiska ayaa taageera ciidamada Soomaaliyeed,waxaana ay tababareen Askar katirsan kuwa Qalabka Sida.