DHAGEYSO: Warbixinta QM Ee Ciidanka Soomaalida ee Tigrey ka dagaalamay oo…

0

Musharax Cabdiraxman Cabdishakur 768x432

Kadib Warbixintii saacado ka hor ay soo saareen Guddiga Qaramada Midoobay uqaabilsan Arrimaha Xuquuqul Insaanka ayna sheegeen inay heleen cadeymo sheegaya in Ciidamo Soomaaliyeed  ku lug yeesheen Dagaalkii Gobolka Tigray ka dhacay Sanadkii hore ayaa waxa arintaasi ka hadlay Xisbiga Mucaaradka ah Ee Wadajir.

Gudoomiyaha Xisbigaasi C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ku sheegay qaab aan sax aheyn loo qoray dhalinyarada Ereteria loo qaaday oo sifihii Tababarka ciidanka aan loo marin.

C/raxmaan C/shakuur oo saxaafada kula hadlay maanta muqdisho ayaa sheegay in Madaxda Qaranka laga doonayo inay ka garaabaan baaqa waalidiinta Carruurtooda ka maqan,si gaar ahna ula hadlay Madaxweyne Farmaajo & R/wasaare Rooble inay ka jawaabaan Codsiga Waalidiinta.

Dawlada Soomaaliya ayaa ka gaabsatay dhowr mar inay ka jawaab celiso su’aalo laga weydiiyey Ciidamada la sheegay in Ereteria loo qaaday,taas oo wer werka ku kordhisay waalidiin badan oo nolol iyo geeri ku waayey Carruurtooda oo markii hore loogu sheegay in Qatar loo qaadayo.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA