Dhageyso: Xukuumada oo ka hadashay Caqabada ka taagan Jidka Afgooye ilaa Xamar

0

Afgoy 1

Wasiirka Howlaha guud iyo guryeynta Dawlada Soomaaliya Maxamed Aadan Macalin (Maxamed Soomaali) ayaa ka hadlay waxa dib udhigay muddo Afar bil ah xariga in laga jaro Wadada laamiga ah ee Afgooye ilaa Muqdisho oo dhismaheeda socday.

Wasiirka ayaa sheegay in Bishii Labaad Sanadkaan uu ahaa qorshuhu daah furka Wadada Balse ilaa haatan aysan dhameystirmin jidka la dhisayey.

Waxa uu sheegay in culeysyo iyo arimo farsamo dib udhac ugu yimid hayeeshee dhawaan la rajeynayo in marka ay soo gaba gabowdo dhismaha Laamigaan la furi doono,dadkana ay ka manaafici doonaan.

Dhowr jeer ayaa wadadaan waxaa shaqaalaha dhisaya ee Turkida lagu weeraray Qaraxyo qaarkoodna ay ku dhinteen kuwo kalena ay ku dhaawacmeen,iyadoo hakad ay maalmo galeysay howshii socotay.

Halkaan hoose ka dhageyso codka