Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji ayaa Warbixin la Xiriirta Howlgalada Ciidanka Xoogga ee Gobalada Dalka ,Waxa uu ka dhageestay Taliye Xigeenka Ciidanka Xoogga Gen. Cabaas Amiin Cali.
Waxa uu sheegay General Cabaas in guulo waa weyn laga soo hooyeen howlgalada islamarkaana weli lasii baacsanayo Al Shabaab sida uu warka udhigay.
Taliye kuxigeenka Ciidamada Xoogga Dalka ayaa u sheegay Wasiirka Gaashaandhigga in Ciidamada Meliteriga howlgallo Qorsheysan ay wadaan , Waxa uuna Xusay in Labada Shabeelle iyo qaar ka mid ah Goballada dalka howlgaladaas ka socdaan oo ay fulinayaan Cutubyo ka tirsan XDS.
Wasiiirka Gaashaandhigga Abuukaato Xasan Xuseen Xaaji ayaa boogaadiyay guulaha Ciidanka XDS , isagoo tilmaamay in Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Xoogga ka go’an tahay in dalka laga sifeeyo argagixisada sida uu warka udhigay.