DHAGEYSO: Xukuumada oo Garoonka Diyaaradaha Deyniile caalami ka dhigeysa

0

Diyaarad

Masuuliyiin katirsan Xukuumada ayaa waxay kormeer ku tegeen Garoonka diyaaradaha Degmada Deyniile.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Duraan Axmed Faarax ayaa sheegay in Guddi qiimeyn ku sameeya Garoonkaasi ay udiri doonaan si loo ogaado waxa uu ubaahan yahay.

Wasiir Duraan ayaa sheegay in Garoonka Deyniile hadii si toos ah loo howlgeliyo culeyska saaran Aadan Cabdulle Airport uu yaraan lahaa.

14-kii Agoosto sanadkii hore 2020-kii ayaa Diyaarad rakaab siday waxay kasoo degtay Garoonka Diyaaradaha Deyniile inkastoo si toos ah wixii xilligaas ka dambeeyey duulimaadyo uqaabilin garoonkaasi.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA