Diyaarad gar gaar sida oo ka degtay Magaalada Jowhar

0

Capture

Dawlada Soomaaliya ayaa diyaarad gar gaar sida waxay udirtay Magaalada Jowhar si loogu gurmado dadka fatahaada saameysay webiga Shabelle Aagga Jowhar iyo Deegaanada ku dhaw.

Wasiirka Gar gaarka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa Deeqdaasi yabooha udirtay caasimada HirShabelle,taas oo qeybinta gar gaarkaasi la guda geli doono.

Wasiirka Gar gaarka HirShabelle C/mahad Cabdulle Qoor gaab ayaa la wareegay deeqda isagoo ka mahad celiyey Xukuumada oo gurmadkaasi ugu talo gashay dadka nugul ee Fatahaadu saameysay,isagoo sheegay in gar gaar kale uu ku wajahan yahay HirShabelle.

Ra’iisal Wasaare Rooble oo dhawaan tegay Jowhar waxa uu sheegay in sida ugu dhakhsiyaha Badan looga jawaab celin doono dhibaatada ka dhalatay Daadadka kasoo rogmaday webiga Shabelle.