Meydad dul sabeenaya badda Kadib doonyo ay la socdeen

0

201134275 329523095291121 1756407858350408295 N

Ilo-wareed dadka deegaanka oo la hadlay Wargeyska Al-AYAAM ee ka soo baxa dalka Yemen ayaa sheegay in la arkay maydadkaasi iyo 4 kale oo Badmaaxiin Yeminiyiin ah, iyagoo dul sabaynaya Badda, meel ka fog Xeebta Degmadda Raas Al-caarat ee Gobalka Laxaj ee Koonfurta dalka Yemen.

Kalluumeysato Yemeniyiin ah ee soo arkay Maydadkaasi ayaa laga soo xigtay inay qalibantay Dooni ay la socdeen 400 Muhaajiriin Afrikaan ah oo ka soo shiraacatay Xeebaha dalka Jabuuti, kuna soo wajahnayd Xeebaha Yemen.

Dhinaca kale, Faahfaahino Rasmi ah lagama hayo dalalka ay ka soo jeedaan Muhaajiriinta ku geeriyootay Doonida ku degtay Badda Yemen iyo haddii maydadkaasi la aasay ama inay ku soo caariyeen Xeebta Gobalka Laxaj ee Koonfurta dalka Yemen.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Tacliinta ee Dowladda Yemen ee ay QM aqoonsan they, C/Rabbu Mehwali oo horey u ahaa Madixii Dowladda Hoose ee Raas Al-Caar waxa uu sheegay inay Doonidaasi ka soo shiraacatay Jabuuti dabayaaqadii isbuucii hore, isla markaana ay Doonida ku degtay meel ka baxsan Xeebta Deegaanka Raas Al-Cara ee Gobalka Laxaj ee Koonfurta Yemen.

Sarkaalad ka tirsan Hay’adda QM ugu qaabilsan Muhaajiriinta ee IOM ayaa sheegtay inay Doonidaasi la socdeen 200 oo Muhaairiin badankooda Afrikaan ah, kuwaasi oo weli la la’ yahay, mana kala cadda inay jiraan dad ka badbaaday Doonidaasi.

Sannad kasta, Kumanaan qof oo ka soo kala eeda dalalka Somalia, Ethiopia iyo Jabuuti ayaa isku soo biimeeya safar baddeed si ay u gaaraan Yemen, oo ay kaga sii gudbaan dalalka Khaliijka ee Hodanka ah, si ay uga helaan shaqooyin ay ka maareeyaan Noloshooda iyo tan Qoysaska ay ka soo tahriibeen