Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya Danjire Xasan Xamza oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal, habsami u socodka mashaariicda horumarineed ee Qatar ka hirgelineyso Soomaaliya iyo Arrimaha doorashooyinka dalka.
Kulanka ayaa la sheegay in arimo badan oo Doorashooyinka ah iskula meel dhigeen labada mas’uul.