Shir ay ka qeyb galeen Maamul gobolleedyada Oo Lagu soo gaba gabeeyey Muqdisho

0

Fb Img 1623690073786

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha guud, dib u dhiska iyo guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Aadan Macalin (Soomaali) ayaa magaalada Muqdisho ku soo xiray shirka guddiga sare ee mashruuca Somali Urban Resilience Project (SURP II) oo heer Wasiir ah.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay wasiirada wasaaradaha Hawlaha guud ee maamul goboleedyada Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabelele, Gobolka Banaadir, Wasaaradda qoraheynta iyo Xafiiska Ra’isal Wasaaraha.

kulankan oo sanadkii laba jeer la qaban doono ayaa looga wada tashaday horumarinta waddooyinka magaalooyinka dhexmara, iyadoo lagu qaban doonaa dhammaan maamul goboleedyada dalka si habsami u socodka shaqa iyo ka warqabka mashruuca uu u wanaagsanaado.

Wasiirada Wasaaradaha Hawlaha Guud ee maamul goboleedyada dalka ayaa shirka intii uu socday ka soo jeediyey waxyaabaha uga qabsoomay mashruucan.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Macalin (Soomaali) oo sooxiray shirka ayaa u mahadceliyey ka qayb galayaasha shirka iyo dadaalkooda ku aadan dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha Dalka, waxaa uu sidoo kale xusay muhiimadda uu mashruucan dib u dhiska Waddooyinka degmooyinka u leeyahay Dalka.