Xisbiga Kulmiye oo guul ka gaaray maanta doorashadii ka dhacday…

0

201963921 538775694210980 2545819680316107770 N

Doorasho ka dhacday Maanta magaalada ber bera ayaa waxa lagu doortay Hogaanka Cusub Ee Magaaladaasi.

Inkastoo dib loo doortay C/shakuur cidin oo hore u ahaa Maayarka ber bera waxa uu ka guuleystay murashaxii la tartamayey C/rashiid.

Guusha Xisbiga Kulmiye kasoo hooyey Golaha Deegaanka Ber bera ayaa ka dhigan inay xajisteen Maamulka magaaladaasi,iyadoo Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidin) mar kale kusoo baxay Maayarka halka ku-xigeenkiisa loo doortay Nuur Cabdi Jaamac (Cadde).

Maayar Cidin ayaa waxa gacanta u taagay 8 Xubnood oo ka mid ah golaha deegaanka, 11 Xubnood oo soo xaadiray Fadhiga, waxaana ku xigeenkiisa u helay 7 Cod.

Dhinaca kale Maxkamadaha Gobolka iyo tan Gobolka Togdheer ayaa maanta ansixiyey   xubnaha golayaasha deegaanka Hargeysa iyo Burco.