Buuq cusub oo ka dhashay Xubin lagu soo celiyey Guddiga Doorashada

0

11 2

Guddigii Ra’iisul Wasaaraha u saaray kala shaandheynta xubnihii cabashada laga keenay ee ku jiray Guddiga doorashada lagu muransanaa ayaa ku lug yeeshay fadeexo cusub oo ku aadan inay sii daayeen xubno shaqaale rayid ahaa oo ku jiray 67-kii xubnood ee la soo eedeeyay.

Guddigaan uu hoggaaminayay C/llaahi Carab oo ah Saaxibka Ra’iisul Wasaaraha ayaa la kulmay cadaadis kaga yimid Taliyaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo u sii daayey xubnaha laga keenay cabashada ee ku jiray Guddiga doorashada lagu muransanaa.

Xubinta aan la bedelin ayaa lagu magacaabaa Yoonis Xasan Xuseen (Yoonis Alifow) oo ku jira Guddiga doorashada Dowlad Gobolleedka Hirshabelle, kaasoo ka mid ahaa shaqaalaha Rayidka.

Yoonis Alifoow ayaa kasoo shaqeeyay Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, balse markii dambe waxa uu uwareegay Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha oo uu Guddoomiye Kuxigeen ka noqday.

Ninkaan ayey horay u soo eedeeyeen Guddiga Shaqaalaha Rayidka inuu labo Mushaar qaadanayey, isla markaana magdhaw lacageed lagu soo rogay inuu bixiyo mid ka mid ah mushaarkii uu qaadanayay oo gaarayey 6,352 dollar.

Guddiga kala shaandheynta xubnihii cabashada laga keenay ee ku jiray Guddiga doorashada ayaa laga sugayaa inay kasoo jawaabaan arintaan cusub ee lagu soo eedeeyey.