DHAGEYSO: Maxaadan Ogeyn Oo ka dhacay Magaalada Kismaayo?

0

Kulan ka socday Magaalada Kismaayo maalmihii dambe ayaa waxa looga hadlay doorka Haweenka iyo Dhalinyarada ku yeelan karaan ka qeyb galka siyaasada Dalka.

Shirkaasi ayaa waxa dadkii geba gabadiisa ka hadlay ay sheegeen in fursad la siiyo dhalinyarada waxbartay si ay aqoontooda hogaamineed usoo bandhigaan.

Haweenka ayaa dhankooda waxay muujiyeen inay awood u leeyihiin doorka siyaasada ay leeyihiin Dawladnimada iyo hormarinteeda ka qeyb noqdaan.

Dalka ayaa waxa uu ku jiraa marxalad doorasho iyadoo la isku diyaarinayo in xildhibaanada Golaha Shacabka iyo kuwa Aqalka sare lasoo xulo dhawaan Gobollada Dalkana ay ka socdaan olole loogu jiro Kuraasta Baarlamaanka Federaalka soo socda.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA