Soomaaliya oo kaga qeyb galeysa shir caalami ah Dalka Indonesia

0

Michal Parzuchowski Xfitahf3cy4 Unsplash

Ilaalada Xeebaha ee Indonesia ee loo yaqaano (Bakamla RI), iyo Ciidanka Xuduudaha Australia (ABF) oo uu hogaaminayo Taliska Xuduudaha Badda ayaa si guul leh isugu keenay wakiilo ka socda 35 dal oo deriska ah si ay ugu biiraan Shirka 10-aad Jimicsiga Amniga Badaha

Dhacdada afarta maalmood qaadatay waxay ka bilaabatay Talaadadii shalay magaalada Jakarta Caasimada Dalka Indonesia.

Shirkaasi ayaa looga qeyb galayaa wakiilo khadka tooska ah kasoo galaya iyo Wakiilo la casuumay oo shirka fadhiya si loo ilaaliyo faafida COVID-19.

Wadamada kaqeyb galaya shirkaasi ayaa kala ah Indonesia, Australia, Bahrain, Bangladesh, Brunei, Cambodia, China, Comoros, India, Iran, Japan, Kenya, Laos, Madagascar, Malaysia, Maldives, Mauritius, Mozambique, Oman, Pakistan, Papua New Guinea, Philippines, Seychelles, Singapore, Somalia, South Africa, South Korea, Sri Lanka, Tanzania, Thailand, Timor-Leste, Turkey, United Arab Emirates, Vietnam, iyo Yemen,sida warbixinta lagu sheegay.

Lama cadeyn xubnaha Soomaaliya ku metalaya Shirka Shalay ka furmay Caasimada Dalka Indonesia Ee Jakarta.

Kulankaan oo socon doona muddo afar maalmood ah ayaa looga golleeyahay in lagu horumariyo fahamka saraakiisha amniga badaha ee gobolka iyo la-dagaallanka dhacdooyinka kala duwan ee amniga baddaha sida ku xusan sharciga caalamiga ah ee jira.

Admiral Tatit Witjaksono oo ah Kuxigeenka Siyaasada iyo Istaraatiijiyadda, ayaa kaqeyb galay xafladdii furitaanka ee Talaadadii si uu u matalo Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Indonesia Bakamla, ayaa sheegay in khataraha kala duwan ee badda iyo amniga ee ka dhaca gobolka, ganacsiga oo kordhay iyo sida ku tiirsanaanta gobolka ee kheyraadka bada ay dhibaato badan ugu keentay biyaha gobolka. wuxuuna carrabka ku adkeeyay in “dhammaystiran” Ajandaha horyaalla.