Wasiirka gaashaandhiga Dalka oo maanta gaaray baydhabo

0

202232226 3924496920981720 3426239068205426206 N

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Dawlada Soomaaliya Abuukaato Xasan Xuseen Xaaji ayaa barqanimadii maanta gaaray magaalada Baydhabo ee Caasimadda  KMG maamulka koonfur galbeed Soomaaliya.

Waxaana garoonka Diyaaradaha Shaati Gaduud ku soo dhaweeyay wafdigaasi Taliye Xigeenka Ciidanka XDS Gen.Cabaas Amiin iyo Taliyaha qeybta 60aad ee CXDS Sarreeye Guuto Maxamed Sheekh Cabdullahi Ciirow ,iyo Saraakiil katirsan Xoogga Dalka.

Wasiir Xasan Xuseen Xaaji iyo wafdiga la socda ayaa kormeeri doona xeryaha ciidamada Ee Baydhabo iyagoola kulmi doona Mas’uuliyiinta Gobolka Bay iyo saraakiisha Ciidamada AMISOM ee halkaasi ka howlgala.

Waxa uu dhiiri gelin doonaa ciidamada si loo sii dar dar geliyo dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda qeybo ka tirsan Gobollada Bay & Bakool.

Isbuucii hore ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Koonfur Galbeed oo wadajir usocday ayaa Al Shabaab ka saaray Deegaanka Deynuunaay oo qiyaastii 30 km ujira Magaalada Baydhabo.