Ciidamada DF oo gar gaar caafimaad usameeyey shacab qarax ku dhaawacmay

0

Ciidanka 65

Ciidamada Dawlada Soomaaliya ayaa gar gaar caafimaad waxay usameeyeen shacab ku dhaawacmay qarax ka dhacay Degmada Awdheegle Ee gobolka Shabellaha Hoose.

Sawirro lasoo dhigay Twitter-ka Warbaahinta Dawlada Soomaaliya ayaa waxa ka muuqanayey nin la daweenayo kadib qarax Al Shabaab ka fuliyeen Awdheegle oo waxyeelo kasoo gaartay.

Waxay sheegeen saraakiisha Ciidamada in dagaal Al Shabaab kasokoow ay caawin usameeyaan shacabka marka ay xaalad adag soo wajahdo.