DHAGEYSO: Taliska taraafikada xamar oo awaamiir cusub soo saaray

0

Capture

Howlgal looga saarayo baabuurta daxaleystay xarunta taraafikada Muqdisho ayaa waxa maanta laga bilaabay halkaasi,iyadoo gaadiidkaasi ahaayeen kuwo shilal galay sanado ka hor.

Taliyaha Ciidanka Ilaalada waddooyinka General Bishaar Abshir Geedi oo saxaafada lahadlay maanta waxa uu ugu baaqay inay uyimaadaan dadka iska lahaa gaadiidka yaalla Xarunta Visha Taraafiko.

Sidoo kale Taliye Bishaar Abshir Geedi ayaa sheegay in Awaamiir Cusub ay soo kordhin doonaan ciidamo Taraafiko ahna laga hirgelin doono dhawaan Magaalada Muqdisho oo jidadkeeda aad mashquul badan looga dareemayey muddooyinkii lasoo dhaafay.

Inta badan shilalka marka ay dhacaan Muqdisho waxaa gaadiidka la geeyaa Xarunta taraafikada,sida ay talisku sheegeena waxaa batay dadka inay usoo laaban waayaan hantidooda.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA