Doorashada Xildhibaanada oo meel sare gaartay & Loolanka Odawaa & Al Cadaala oo…

0

201577829 176521007816195 4985003914298883231 N

Ololahaan Doorashada ayaa waxa uu yahay mid la doonayo in la iskugu diyaariyo Doorashada Baarlamaanka Federaalka xubnaha ka mid noqonaya.

Galmudug,Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa waxa gaaray murashaxiin dhowr ah kuwaas oo uhanqal taagaya helitaanka Kuraasta ay doonayaan.

Degmada Hobyo Ee Gobolka Mudug waxaa maanta gaaray Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Warfaafinta,Dhaqan iyo Dalxiiska Xukuumada C/raxmaan Yuusuf Al Cadaala,si uu umuujiyo doorkiisa ololaha doorashada Xildhibaanimo.

Maalmo ka hor waxaa isagana isla Hobyo tegay oo kulamo bulshada deegaanka la qaatay Xildhibaan C/raxmaan Xuseen Odawaa.

Al Cadaala iyo Odawaa Labaduba waxay si gaar ah ugu tartami doonaan Kursiga Golaha Shacabka Ee Cadaado yaalla,taas oo xuuraansi ku haya beelaha deegaanka.

Sidoo kale Dhuuso mareeb,Baydhabo iyo Kismaayo waxaa ka socota loolan doorasho oo Aqalka Sare & Golaha Shacabka loogu jiro.

Jowhar oo ah Caasimada HirShabelle iyo Beled weyne waxaa ay weli marti gelin murashaxiinta kuraasta baarlamaanka federaalka doonaya marka loo eego magaalooyinka kale ee dalka.

Muqdisho oo ah Xarunta dalka waxay aheyd mid bilo ka hor lasii bilaabay odayaasha la kulminayo si codka Xildhibaanada looga helo iyaga maadaama marjaca beelaha ay yihiin loo laabanayey.

Mas’uuliyiin xilal sare ka haya Dawlada sida taliyeyaal ciidan,Gudoomiyeyaal iyo Shaqaale kale oo Xafiisyada Madaxweynaha iyo Kan Ra’iisal wasaaraha ayaa tartan ugu jira sidii ay Xildhibaan Federaal ah sanadkaan unoqon lahaayeen.