Duqa Hargeysa oo loo doortay maanta C/kiriin Axmed Mooge

0

Maxresdefault

Xildhibaanada golaha deegaanka Hargeysa ayaa Duqa Magaaladaasi udoortay C/kiriin Axmed Mooge,taas oo lasii saadaalinayey guushiisa maadaama xitaa Madaxda Soomaaliland xilkaasi la doonayeen.

Doorashadii uu kusoo baxay Golaha deegaanka Mooge 31-kii bishii Hore May ayuu helay seddex jibaar codadkii la filayey waana mid keensaday 26,299 cod.

Ololaha xildoonka markii uu ku jiray c/kiriin Mooge ayuu sheegay in hadii uu wax qaban waayo diyaar unoqon doono xilka uu ka dego,islamarkaana ballan qaadyo cusub Hargeysa Maayarnimadeeda kusoo kordhin doono.

Sidoo kale Golaha Deegaanka Hargeysa ayaa Khadar Axmed Cumar waxay isna maanta u doorteen Maayar Kuxigeenka Caasimadda Hargeysa.

Golaha Deegaanka  Degmada  Gabiley  Ayaa  Maanta Markale waxay iyaguna udoorteen Maayarka Magaaladaasi  Maxamed Aamiin Cumar Cabdi

Halka  Ay Maayar  Ku Xigeenkiisa  U Doorteen  Cabdullaahi  Ismaaciil Cabdi.

Dhamaan doorashada deegaanka Ee Soomaaliland iyo Maayarada xilalka helay waxa ugu saameyn badan C/kiriin Axmed Mooge oo ah Wiil uu dhalay AUN Fanaankii caanka ahaa Axmed Mooge Liibaan,isagoo saaxada Siyaasada meel sare ka gaaray Arimaha Doorashada Soomaaliland.

C/kiriin Mooge waxa looga fadhiyaa ka dhabeynta ballan qaadkiisii ahaa in Caasimada Hargeysa ka dhigo meel ka duwan sida hadda tahay oo wax badan hormar ah keeni doono,ayna ugu horeyso jidad la’aanta magaalada sanadaha badan ku caan baxday.