Madaxweyne Qoor qoor oo soo magacaabay xubnaha laga sugayey

0

Guudlaawe Iyo Qoor Qoor

Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Galmudug State Axmed Cabdi Kaariye ayaa soo gudbiyay liiska xubnaha laga bedelay guddigii doorashada ee cabashada laga keenay.

Xubnaha lasoo bedelay ayaa ah afar xubnood oo ku jira Guddiyada heer Dowlad Goboleed SEIT iyo xubin Xalinta Khilaafaadka.

Guddiga SEIT

1- Yahye Cismaan Gedi

2- Mahad Abdullahi Mahamud

3- Hawo Adan Yare Culusow

Guddiga Xalinta Khilaafaadka

4- Ayan Abdirahman Mahamud

Xalay ayey aheyd markii Afhayeenka Xukuumada Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu uu sheegay in Galmudug laga sugayo taas oo ugu dambeyn maanta uu soo magacaabay.