Muuse Biixi oo dar daaran culus ujeediyey Maayarada Cusub Ee Soomaaliland

0

Muuse Biixi 1132x670

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu qaabilay Maayarka cusub ee Magaalada Hargeysa oo maanta loo doortay C/kiriin Axmed Mooge.

Hambalyo uu udiray Maayarada la doortay guud ahaan Soomaaliland kasokoow waxa uu si gaar ah ula hadlay Duqa cusub Ee Hargeysa.

Madaxweyne Biixi ayaa dar daaran udiray madaxda cusub ee Maayarada,isagoo sheegay in shaqo adag hortaalla sidaa awgeedna ay kasoo dhalaalaan shaqada loo igmaday.

Waxa uu madaxweynuhu sheegay in ay jiraan fursado badan oo la rabo in laga miro dhaliyo islamarkaana baahiyaha jira la daboolo magaalooyinka Soomaaliland.

Doorashada Soomaaliland ayaa baal cusub ufurtay sanado badan kadib wejiyo siyaasada iyo hogaaminta maamulada qaar haba ugu horeysee Hargeysa oo ah Caasimada.