Soomaaliya & Kenya oo war kasoo saaray dib ufurista safaaradaha

0

Kenya And Somalia

Wasiirrada arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo Kenya, H.E. Mudane Maxamed Cabdirisaaq
Maxamuud iyo H.E. Amb. Raychelle Omamo, ayaa maanta telefoonka kuwada hadlay.
Labada wasiir ayaa wada hadalkooda ku xaqiijiyay baahida loo qabo xariir labada dhinac ah waxayna xoogga saareen muhiimadda ay leedahay in la hagaajiyo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.
Wasiirradu waxay muujiyeen rajo weyn oo ay ka qabaan horumarinta ganacsiga, amniga iyo dhaqanka ee Soomaaliya iyo Kenya.
Ugu dambeyntiina, waxay ku heshiiyeen in la ilaaliyo wadiiqooyinka diblomaasiyadeed ee labada dhinac u wadaagaan.