Wafdi madaxweyne Mustafa cagjar hogaaminayey oo gaaray…

0

131437484 864079874198579 3498493509164711577 N

Wafdi ballaadhan oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa u ambabaxay degmada Awaare ee gobolka Jarar.

Socdaalkan ayuu Madaxweynuhu ku mari doonaa degmooyin ka tirsan gobollada Jarar, Qorraxey iyo Doollo.

Ujeeddada socdaalka Madaxweynaha ayaa ah xadhig-jarista mashaariico dhammaaday, dhagax-dhigga kuwo hor leh oo cusub iyo la-tashiga iyo ogaanshiyaha baahiyaha kala duwan ee shacabka.