DHAGEYSO: Kenya Oo Ciidamadii udirtay Goobaha Gabdho Soomaaliyeed lagu Afduubtay

0

Kamakunji5

Xilli maalmihii lasoo dhaafay Afduubka gabdhaha ay kusii badanayeen Xaafada Islii ayaa waxa arintaasi ka hadlay Xildhibaanka laga soo doorto Degmada Kaama kunji.

Xildhibaan Yuusuf Xasan Cabdi ayaa sheegay inay ka xun yihiin oo ay cambaareenayaan falkaasi afduubka gabdho Soomaaliyeed loo geystay islamarkaana kooxaha qafaashay ay madax furasho weydiisanayeen ehelada gabadhahaasi ay afduubteen.

Mudanahaan laga soo doorto Kaama kunji ayaa sheegay in ay dhaleeceyn ujeedinayaan Taliska Amaanka Guud Dalka Kenya iyo Wasiirka Amniga islamarkaana dalbaday in deg deg loo baahan yahay in lasoo bad baadiyo gabdhaha afduubka ku maqan.

Gabdho Soomaaliyeed ayaa la sheegay in la afduubtay maalmo gudaheed Magaalada Nairobi gaar ahaan xaafada Soomaalida Ee Islii,iyadoo Cabsi ay soo wajahday Soomaalida ku dhaqan Halkaasi.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA