DHAGEYSO: Koonfur galbeed oo dejisey istaraatiijyad Cajiib Ah

0

K.galbeed

Wasiirka Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda Ee Koonfur Galbeed C/qani Cabdullaahi ayaa fariin baaq ah udiray dadka ku dhaqan Deegaanada Maamulkaasi iyo Qurba joogta inay maalgeshi ku sameeyaan deegaanka.

Wasiirka ayaa sheegay in ka wasaarad ahaan ay ku dedaalayaan sidii fursado shaqo abuur ah iyo agabkii ay isticmaali lahaayeen dhalinyarada usameyn doonaan.

Kheyraadka badda ayuu soo hadal qaaday in aan looga faa’iideysan sidii loo baahnaa isagoo sheegay in tababaro kusaabsan arimahaasi la qaban doono.

Koonfur Galbeed ayaa waxay ka talisaa deegaano xeebeed dhowr ah sida Baraawe,Marka iyo Jasiira oo dhul badeed masaafo badan ah ka kooban.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA