Jadwalka Doorashada oo la ogaaday in ilaa November gaari doonto (akhriso)

0

Rooble 3

Ilo wareed lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in lasoo saaray Habraaca Doorashada Dalka iyo sida ay uqabsoomeyso.

Waxaa soo dhameystirmay xubnihii bedelka lagu sameeyey ee dawlad gobolleedyada lagu sameeyey kuwaas oo cabashada laga keenay kol hore.

Xogta aan ka helnay Xafiiska Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa sheegeysa in jadwalka loo diray Madaxda Dawlad Gobolleedyada iyo Beesha Caalamka si loo ogaado habraaca la sameeyey.

Bishaan June ee dhamaadka ah iyo Bisha soo socota Ee Julay waxaa la qorsheeyey in lasoo diyaarinayo Guddiyada Doorashada.

Agoosto ilaa September 2021 waxaa la guda gelayaa sida la filayo doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare Ee Seneterada ah.

Xogta ay Xamar  ogaatay ayaa sidoo kale sheegeysa in Bisha September ilaa October lasoo dooranayo Xildhibaanada Golaha Shacabka.

October ilaa November waxaa lasoo dooranayaa Gudoonada Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka.

Bisha November bartankeeda ama dhamaadkeeda waxaa dhaceysa doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Inkastoo wax isbadeli karaan oo weli faafinta rasmiga ah la gelin hadana waxaa muuqata in qanacsanaan badan ka imaan karto habraaca la dejiyey.

Heshiiskii Doorashada la saxiixay 27-kii May 3 Todobaad ka hor waxaa la go’aamiyey in 60 cisho gudaheed qaadan doonto doorashada dalka ka dhaceysa sida markaasi uu ku akhriyey War murtiyeedka C/raxmaan Al Cadaala.

Balse sida muuqata waxay gaari doontaa muddo shan bil ah in doorashada howsheeda gaarto.