Kulanka Swan & Mas’uul Katirsan Dawlada Qatar uga hadleen Arimaha Soomaaliya

0

Ca295772500b163f16ac408fc56753a6d19c751b

Kaaliyaha Wasiirka Arimaha Dibada Dalka Qatar Luulwah Rashiid Al Khater ayaa magaalada Antalya Ee Dalka Turkiga kula kulmay Wakiilka xoghayaha guud QM uqaabilsan Arimaha Soomaaliya James Swan.

Kulanka Mrs Luul Al Khater iyo Swan dhexmaray ayaa waxay jimcihii shalay kaga wada hadleen Arimaha Soomaaliya iyo sidii xasilooni waarta lagu soo dabaali lahaa.

Warsidaha Menafn ayaa tebiyey warbixin uu kaga hadlay shirkaasi isagoo sheegay in ay ku dheeraadeen labada mas’uul in la iska kaashado qabasho doorasho Soomaaliya ka dhacda oo lagu kalsoon yahay.

Afhayeenka Wasaarada Arimaha Dibada Dalka Qatar Luul Rashiid ayaa hoosta ka xariiqday in Xukuumada Doha ay garab istaageeda Soomaaliya sare uqaadi doonto si ay meesha uga baxdo shakiga ah in Dawlada Qatar ay dano gaar ah ka leedahay Soomaaliya.

Danjire James Swan ayaa dhankiisa kulanka ka sheegay in Xafiiskooda UNSOM ay dedaalo badan ku bixiyeen sidii ay u hir gelin lahaayeen doorasho wadar ogol ah islamarkaana ilaa 27-kii May heshiiskii doorasho la saxiixay ay doorkii ugu mudnaa ka qaateen.

Madax kala duwan ayaa Magaalada xeebta ah ee Antalya Dalka Turkiga isku arkaya islamarkaana looga hadlayo arimo dhowr ah,hayeeshee kulan doceedyada dhacaya ayaa qeybtood Soomaaliya lagu soo hadal qaadi doonaa.