Madaxweyne Cusub oo loo doortay Dalka Iiraan (Magaciisa)

0

57963047 303

Doorashadii ka dhacday Dalka Iiraan ayaa waxa warar soo baxaya ay sheegayaan in uu ku guuleystay Madaxweynaha Cusub Sayid Ibraahim Ra’isi.

Inkastoo Natiijada si rasmi ah loo shaacin hadana Madaxweyne Xasan Ruuxaani oo labo jeer isku xigta Dalka hogaaminayey ayaa Khudbad uu ka jeediyey Telefishinka Dalkaas ka sheegay inuu hambalyo udirayo Madaxweynaha guuleystay waloow uusan magacaabin shakhsigaas guusha helay.

60 sano jirka Ku dhashay Magaalada Mash-had ee Dalka Iiraan Sayid Ibraahim Ra’isi ayaa waxa la sheegay in guul ka gaaray doorashadii jimcihii shalay dhacday.

Ninkaan magaciisa oo buuxa waa Sayid Ibraahim Rasuul-Saadaatii balse loo yaqaano Ibraahim Ra’iisi.

Ilaa 2019-kii waxa uu ahaa Madaxa Cadaalada Dalka Iiraan,waana shakhsi aad ugu dhawaa ama saaxiib la ah Wadaadka Aayatullaah Cali khumeyni.