Midowga Yurub & Dalalka Sweden,Uk oo maanta ka furay Muqdisho…

0

202764395 3932289050202507 5278232410831169021 N

Tababarkaan oo xirfada Shaqaalaha Wasaarada sare loogu qaadayo ayaa maanta waxa uu ka furmay Magaalada Muqdisho Ee Caasimada Dalka.

Waxa iska kaashanaya Siminaarkani Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya  iyo qaar ka mid ah Dawladaha Caalamka ee daneeya dib usoo kabashada Soomaaliya.

Xasan Maxamed Siciid Samatar oo ah Agaasimaha Guud  Ee Wasaaradda Gaashaandhigga dalka ayaa sheegay in ay rajo ka qabaan casharada shaqaalaha lasiinayo in isbadel aqooneed kala kulmaan mudada shanta cisho uu usocdo.

Si gaar ah Daah-furka Tababarkaan Sare loogu qaadayo Xirfadda Hogaamineed iyo Wada-Shaqeynta Waaxyaha kala Duwan Ee Shaqaalaha Wasaaradda,ayaa muhiim loogu arkay howsha ay qaranka u hayaan.

Siminaarkan Waxaa iska kaashaday  Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ,Midowga Yurub ,Sweden  iyo UK iyadoo loogu baaqay Shaqaalaha tababarka ka qeyb galaya in wixii ay bartaan uga faa’iideeyaan Dalkooda.