Ra’iisalw asaare Rooble oo Liiska Guddiyada Doorashada shaaciyey

0

Whatsapp Image 2021 06 17 At 16.47.49 2

Ra’iisal Wasaaraha Dalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Caawa Fiidkii soo magacaabay Guddiyada Doorashooyinka iyo Xalinta Khilaafaadka.

Ka dib markii dib u eegis iyo wax ka baddel lagu sameeyay sidii uu dhigayay heshiiskii 27-kii May ee Golaha Wadatashiga Qaranka, Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo saaray liiska Guddiyada doorashooyinka heer federaal, Heer dowlad goboleed iyo xallinta khilaafaadka.

Dadka laga garanayo Ee Liiska kasoo muquday waxaa ka mid ah Cali Maxamuud Faarax (Cali Seeko),Cabdullaahi Abyan Nuur oo soo noqday Wasiirkii Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya,labaduba waxay ka mid yihiin Guddiga Xalinta Khilaafaadka Ee Doorashooyinka 2021-ka.

Liiska Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal ayaa shanta Maamul Gobolleed waxa laga siiyey sida ballanku ahaa min 8 Xubnood,

Guddiga Maamulka Doorashooyinka Xildhibaanada Labada Aqal ee kasoo jeeda Soomaaliland ayaa iyaguna R/wasaare Rooble uu magacaabay kana kooban 11 Xubnood,seddex dumar ah ayaa ku jira.

Sidoo kale Guddiga maamulaya doorashada Xildhibaanada Banaadiriga ayaa Rooble uu 11 Xubnood u magacaabay oo ay 3 haween ah ku jiraan.

Ugu dambeyn R/wasaare Rooble ayaa min seddex Xubnood ku kordhiyey guddiyada Doorashada ay soo direen Dawlad Gobolleedyada.

Wixii hadda ka dambeeya waxaa la isku diyaarinayaa doorashada Soomaaliya,iyadoo Ra’iisal Wasaaraha uu sheegay in doorasho wadar ogol ah,xor,xalaal ah ay dalka ka qaban doonaan.