Dad lagu laayey Xuduuda ay wadaagaan Mexico & Mareykanka

0

3808454

Koox Hubeysan ayaa waxay toogasho ku dileen 15 qof Magaalada lagu magacaabo Reynosa oo ku taalla xuduuda ay wadaagaan dalalka Mexico iyo mareykanka.

Dableyda falka geysatay ayaa saarnaa gaari sida ay laamaha amaanka sheegeen waxaana weli la ogeyn in weerarku salka ku hayo mid argagaxiso iyo inkale.

Axada maanta ayuu dhacay weerarkaan iyadoo Boolisku ay sheegeen in Buundo ku taalla ay beegsadeen dhowr goobood kooxda rasaasta furay islamarkaana dadka ay ku dhinteen.

Warbaahinta gudaha Mexico qaarkood ayaa tebiyey in dhimashada ay gaareyso 18 qof inkastoo laamaha amniga ay sheegeen in 15 ay diin waan geliyeen dadka la dilay.

Goobo laga cunteeyo iyo meelo qamriga lagu cabo ayaa ku jira halka lagu beegsaday dadka la toogtay,Gobolka Tamaulipas ayey hoostagtaa.

Boolisku waxay sheegeen inay baaritaano ku wadaan falkaan mana jirto cid sheegatay mas’uuliyada weerarkaasi dhacay,inkastoo Koox Gaangistaro ah oo daroogada ka ganacsada ay ku badan yihiin.

Dhinaca kale ciidamada Xuduuda ilaaliya dalka Mareykanka ayaa heegan galay kadib dhacadaasi si aysan usaameyn weerarka 15-ka qof lagu dilay ee ka dhacay Magaalada Reynosa Ee xadka dhacda.