Dagaal Al Shabaab looga saaray deegaan hoostaga Dhuuso mareeb

0

Unnamed

Dagaal udhaxeeyey Al Shabaab iyo Ciidamada Dawlada ayaa waxa uu ka dhacay Deegaan lagu magacaabo Orshe oo hoostaga Magaalada Dhuuso mareeb.

Wararka naga soo gaaraya Caasimada Galmudug ayaa sheegaya in ciidamada Xoogga Dalka ay weerar ku qaadeen goob al shabaab kusugnaayeen.

Tuulada Orshe ayaa qiyaastii dhinaca Bariga 50 km ujirta Dhuuso mareeb waxaana la maqlayey hubka nuucyadiisa kala duwan inta dagaalka uu socday.

Si dhab ah looma oga khasaaraha inta uu la eg yahay balse saraakiil katirsan ciidamada Meliteriga waxay sheegeen in Xubno katirsan Al Shabaab lagu dilay Dagaalkaasi.

Sidoo kale Taliska Ciidamada Xoogga Dalka waxay sheegeen in deegaankaasi gacantooda soo gashay hub ay lahaayeen Al shabaabna ay qabsadeen.

Ma jirto war kasoo baxay dhinaca Al Shabaab oo looga hadlayo dagaalkaasi ka dhacay duleedka dhuuso mareeb ee caasimada Galmudug.