DHAGEYSO: Jubbaland Oo lacag ku tabaruceysa Maamul Gobolleedyada kale

0

Jubbaland 2

Xuseen Xersi Axmed oo ah Wasiirka Cusub ee dhawaan loo magacaabay Wasaarada Maaliyada Jubbaland ayaa sheegay in ay sameyn doonaan istaraatiijiyad ay ku hagaajinayaan Maareynta Dhaqaalaha.

Wasiir Xersi ayaa sheegay in ay muhiim tahay wada shaqeynta Wasaaradaha kala duwan Ee Jubbaland,isagoo hoosta ka xariiqay inay jiraan dad diidan hormarka ay hiigsanayaan balse taasi looga gudbi karo gunti isku giijin iyo isku xirnaan.

Wasaarada Maaliyada Jubbaland oo markii hore C/rashiid Jirre Qalinle hogaaminayey ayaa hadda waxa uu ballan qaaday in dhaqaalaha uu kobcin doono Wasiirka cusub Xuseen Xersi Axmed.


Jubbaland ayaa ka mid ah Dawlad Gobolleedyada dhaqaalaha badan ka hela dhoofka Dekada Kismaayo Alaabaha laga daabulo iyo kuwa kasoo dega.