DHAGEYSO: Maayarada Cusub Ee Burco,Laas caanood & Lughayahe oo la doortay

0

204594961 541868117235071 7065319986110165468 N

Xildhibaanada Golaha Deegaanka Burco ayaa maanta waxay doorteen Maayarka iyo Maayar ku xigeenka kadib kulan ka qabsoomay Magaaladaasi.

C/risaaq Heero ayaa loo doortay Duqa Burco iyadoo Kuxigeenkiisa loo doortay Mukhtaar Baaryare,labada Xubnood ee la doortay ayaa kawada tirsan xisbi mucaaradka Ucid.

Sidoo kale Cabdiraxim Cali  Qase , ayaa loo doortay duqa cusub ee Laascaanood waxaanu kasoo baxay xisbiga Waddani .

Halka ku xigeenkiisa loo doortay Axmed Kawte oo xisbiga Ucid kasoo baxay .

Xildhibaanada Golaha deegaanka Degmada Lughaya ee gobolka Awdal ayaa mar kale u doortay Gudoomiyaha degmada Lughaya Cabdulahi Cali Aw nuur halka ku-xigeena ay u doorteen Maxamed Bare Ibraahim oo labduba katirsan xisbiga Kulmiye.

Xildhibaan C/risaaq khaliif oo ka mid ah Golaha Deegaanka Laas caanood ayaa waxa uu ku Eedeeyey Xukuumada Madaxweyne Biixi Hogaamiso mid hagar daameyn ku heysa Doorashooyinka Maayarada sida uu warka udhigay.


Weli ma jirto mas’uul katirsan Xisbiga Kulmiye Ama Xukuumada uhadlay oo ka jawaab celinaya eeda loo soo jeediyey ee ah inay fara gelin ku heyso Golayaasha Deegaanka iyo doorashooyinka Maayarada Magaalooyinka qaarkood.