Gabar Soomaaliyeed Afduub ku maqneyd oo nolol lagu helay Nairobi

0

203810824 170394198437389 8899461370206974098 N

Ciidamada Amaanka Kenya ayaa soo bad baadiyey Xafsa Maxamed Luqmaan oo muddo isbuuc ku dhaw la weysanaa raq iyo ruux kadib markii Afduub koox hubeysan ugu geysteen Nairobi.

Inkastoo Taliska Booliska ay sheegeen inaysan faah faahino bixin Karin xilligaan hadana waxa la xaqiijiyey in ay nabad qabto Xafso oo aheyd gabar ganacsi ku laheyd Nairobi.

Qof ka mid ah ehelada gabadhaasi oo aan la hadalnay balse ka gaabsaday in ay wareysi bixiyaan waxa uu sheegay in kiiska xafsa ay Booliska gacanta ku hayaan.

Deegaan ahaan Xafsa Luqmaan waxay kasoo jeedaa Mandhera waxaana ay qeyb ka aheyd gabdho qafaal la kulmay maalmihii dambe inkastoo hadda iyadu gacanta Booliska soo gashay.

Shalay Xildhibaanka laga soo doorto Degmada Kama kunji Yuusuf Xasan Cabdi waxa uu sheegay in ay ciidamada Kenya ku amreen baadi goobka gabdhaha Afduubka ku maqan ee lagu heysto deegaanada duleedka ka ah Nairobi.

Cabsi badan ayaa soo food saartay soomaalida ku dhaqan xaafada islii kuwaas oo la sheegay in ay dareemeen dhacdadaan ugubka ah ee sida gaarka ah loogu beegsanayo hablaha Soomaalida ah.