Liibiya oo Kufsi loogu geystay gabdho Soomaaliyeed oo tahriib ahaa

0

2110400288

Markii ay ciidamada amniga ee Liibiya badbaadiyeen horaantii sanadkaan, gabadho da’doodu yar tahay oo Soomaali ah waxaa ay Hay’ada Xuquuqul Insaanka Human Rights Watch ay ku tilmaamtay mid reebtay arin laga xumaado bad baadintooda kadib.

Wareysi Ay Hay’adu ka qaaday qaar ka mid ah Gabdhahaasi waxay sheegeen in ku jireen xabsi iyo xadgudub galmo.

Warbixinta Hay’ada Human Rights Watch ayaa tilmaameysa inay jiraan dhibaatooyin jir dil iyo Galmo xoog loo adeegsaday ay la kulmayeen tahriibiyeyaasha dadka ku caanbaxay inay ka gudbaan badda, iyagoo isku dayaya inay Yurub gaaraan.

Taas bedelkeed, ayey Gabar 17-jir ah sheegtay, faraxumaynta galmada ee iyada ka dhanka ah ayaa sii socotay muddo, balse ay markii dambe sheegtay in ciidamada kusugan caasimadda Liibiya ee Tripoli ay geeyeen Xero gaar ah.

Gabadha la wareystay ayaa sheegeysa in Iyada iyo afar kale oo dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo xadgudubyo noocan oo kale ah lagula kacay ay codsanaya in laga sii daayo xabsiga lagu hayo ee Shara al-Zawiya.

Xeradaasi ayaa ah goob  ay maamusho Waaxda Liibiya ee La-dagaallanka Muhaajiriinta Sharci-darrada ah, ama loo yaqaano DCIM, waxaana ay taageero ka helaan Midowga Yurub ololaheeda ku aaddan in Libya laga dhiso gabbaad ka dhan ah inta badan muhaajiriinta Afrikaanka ah ee ka gudbaya badda Mediterranean-ka.

Xeebaha Liibiya ayaa ka mid ah meelaha ugu badan ee lagu dhibaateeyo tahriibayaasha Soomaalida ku jiraan,waxaana inta dhibtaas ka bad baada ay halis naftooda ah geliyaan Badda udhaxeysa Libiya ilaa Talyaaniga.