Qaramada Midoobeey oo sheegtay in Soomaaliya gudaheeda ka jirto Xaalad Adag

0

Unnamed

Warbixin ay soo saartay Hay’ada Cunada Adduunka Qaramada Midoobeey Ee WFP ayaa lagu sheegay in sanadkii 2020-kii dadka ku barakacay gudaha Soomaaliya ay gaarayaan ku dhawaad Hal Milyan qof.

Warbixinta ayaa muujineysa in taageero ay ubaahan yihiin dadkaasi oo amni daro iyo isbadelada Cimilada ay iskugu darsameen.

840 kun qof ayey Barakaciyeen mushkiladahaasi is biirsaday sida ay WFP ku warantay waxay dadkaasi wajahayaan marxalado dhinaca nolosha ah.

Warsaxaafadeedka lasoo saaray oo lagu soo aadiyey maalinta Qaxootiga Adduunka ayey WFP waxay sheegeysaa in dadka ku nool xeryaha Barakacayaasha ah ay ubaahan yihiin Cunto iyo inay helaan goobo gabaad ah ay ku hoydaan.

Dadka ugu badan ee gudaha Soomaaliya ku barakacay waxaa ka mid ah kuwii ay salkiciyeen fatahaadii webiga Shabelle dhawaan ku dhuftay Deegaano hoostaga Magaalada Jowhar Ee Caasimada HirShabelle.