Sidee Al Shabaab maanta looga qabsaday Xaruntoodii Zakawaat-ka?

0

Al Shabaab 2 620x330

Gelinkii hore Ee Axada maanta ah ayey ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan kuwa kumaandoosta gor gor ay weerar ku qaadeen Fadhiisinkii Al shabaab zakawaat-ka ku qaadi jireen Duleedka Dhuuso mareeb.

Waxa dhacay iskahorimaad dhexmaray labada dhinac iyadoo markii dambe ciidamada gor gor ay la wareegeen deegaankaasi sida ay saraakiishu sheegeen.

Tuulada Orshe oo qiyaastii dhinaca Bariga 50 km ujirta Dhuuso mareeb ayaa waxay ciidanku sheegeen in dagaalkii dhacay hub iyo saanado meliteri ay ku furteen.

Taliyaha ururka Shanaad ee gor gor Maxamed Cabdi Dhega weyne ayaa sheegay in xubno katirsan Al Shabaab lagu dilay weerarkaasi ayna qabsadeen deegaankaasi.

Waxa uu taliyuhu sidoo kale sheegay in mas’uulkii ugu sareeyey Al Shabaab Tuulada Orshe lagu dhaawacay Howlgalkaasi waloow aan magaciisa la ogaanin.

Video lasoo duubay waxa la arkayey ciidamada qaarkood oo gubaya saldhigii ay shabaabku lacagaha iyo xoolaha Zakawaat-ka ku uruurin jireen.

Saraakiisha gor gor waxay sheegeen in howlgalada nuucaan oo kale ay sii socon doonaan inta laga xoreynayo deegaanada weli gacanta Shabaabka ku jira.