Xukuumada oo shir muhiim ah maanta ka furtay Muqdisho

0

Whatsapp Image 2021 06 20 At 12.24.03 Pm

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-uheshiisiinta Dalka ayaa waxay Maanta Muqdisho ku daah furtay Shir looga hadlaayo Khariiradeynta Khilaafyada Degmooyinka iyo Deegaanada Gobalka Banaadir.

Shirkaan oo muddo seddax maalin ah socon doono ayaa looga hadlayaa Xog uruurin ku saabsan Khilaafyada ka jira Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir.

Shirka oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Xukuumada Soomaaliya ayaa waxaa kasoo qaybgalay Mas’uuliyiinta kasocday Maamulka Gobalka, qaar kamid ah Guddoomiya-yaasha Degmooyinka Gobalka Banaadir, Ururada Bulshada Rayid, Ururada Haweenka iyo Qaar ka mid ah Dhalinyaro ka kala socday Degmooyinka iyo Deegaanada Gobalka Banaadir.

Agaasimaha waaxda Dib-u heshiinsiinta ee  Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Abdiraxmaan Xaashi Faarah (jabiin) oo furey shirka xog uruurinta khilaafyada Gobolka Banaadir ayaa marka ugu horeysay ugu mahadceliyay Mas’uulityiintii kasocday qeybaha kala duwan ee la casuumay.

Dhankiisa Agasimaha Siyaasadda & Dimoqoraadiyaynta Maamulka Gobalka Banaadir Yuusuf Calasow oo Goobta kahadlaay ayaa- sheegay  in Gobolka Banaadir 30 kii sano ee ugu dambaysay uu ahaa mid ay ka dhacaysay dhibaatooyin kala duwan inkastoo waayihii dambe xal laga gaaray khilaafaadyada dhinaca xuduudaha kusaabsan.

Whatsapp Image 2021 06 20 At 12.24.01 Pm

Whatsapp Image 2021 06 20 At 12.24.02 Pm

Whatsapp Image 2021 06 20 At 12.24.03 Pm

Whatsapp Image 2021 06 20 At 12.24.03 Pm 1