DHAGEYSO: Dhaqaalaha Soomaaliya hoos udhaca ku yimid oo hal arin usabab ah

0

Muqdisho Somalia Caasimad 620x330

Iyadoo shir looga hadlayey Dhaqaalaha lagu soo gaba gabeeyey Muqdisho,ayna dakhligii dalka soo galayey yaraaday ayaa arintaasi go’aano kusaabsan ay soo baxeen.

Gudoomiyaha Hay’ada Dhaqaalaha Qaranka Cali Ciise Cabdi ayaa sheegay in saameyn ballaaran ku yeeshay Cudurka corono dhaqaalaha Dalka.

Waxa uu gudoomiye cali sheegay in loo baahan yahay siyaasada lagu mashquulay taas bedelkeeda la rabo in xoog la geliyo kobcinta ilaha wax soo saar ee dhaqaalaha.

Fariin ayuu udiray siyaasiyiinta xildoonka ah ee wakhtiga badan gelinaya in ay guul ka gaaraan hamigooda siyaasiga ah.

Hay’ada Dhaqaalaha Qaranka ayaa waxa xubno ka ah dad ajaanib ah kuwaas oo loo xulay maareynta dhaqaalaha dalka iyagoo daraasado ka sameenaya sida dakhliga dalku wajahayo.

halkaan hoose ka dhageyso codka