Doorasho ka bilaabatay Maanta Dalka Itoobiya & Abiy Ahmed Oo…

0

119002180 Ethiopiavote

Doorashadii lixaad Ee Baarlamaanka ayaa loo dareeray maanta dalka Itoobiya iyadoo R/wasaare Abiye uu codkiisa ka dhiibtay magaalada Adis ababa goob loo qorsheeyey.

Goobaha codbixinta ayey aheyd in la furo 6:00 aroorta hore, laakiin goobaha qaarkood ayey dib ugga dhaceen 30 daqiiqo xiligii lagu wadey in la furo.

Tusaale ahaan, Addis Ababa waxaa laga codeenayaa 15 deegaan doorasho, 11 kamid ah goobihii codka laga dhiiban lahaa, iyo 2 goob codbixin oo ku yaalla Gobolka Bahir Dar, ayaa dib uga dhacey xiligii la furi lahaa.

Saraakiisha doorashada iyo dhammaan murashaxiinta wakiillo ka socda ayey tahay qasab iney jooggaan goob waliba oo codka laga dhiibanayo, kahor inta aaney bilaaban cod dhiibashada.

Saraakiisha goobaha codbixinta ayaa sheegay in sababta ay codbixintu dib ugu dhacdey ay tahay in madaxda doorashada iyo murashaxiinta wakiilladooda ay kasoo dib dhaceen xaadiritaanka goobaha codbixinta.