Kalluumeysato Doon la ciirtay oo Markab Jabuuti laga lahaa bad baadiyey

0

203012145 1435748730158734 6886088484408334874 N

Dawlada Jabuuti ayaa badbaadisay afar qof oo kamid ahaa kaluumaystada Berbera oo maalmihii ugu danbeeyey la waayey kadib markii ay kaluumaysi ugu baxeen xeebaha galbeed ee dalka.

Maayada badda ayaa qaaday kadib markii ay ka xumaatay dooni ay wateen oo cilad mishiinka ah ku timi , ciidanka maraykanka ee degan dalka jabuuti ayaa soo badbaadiyey kaluumaystada reer somaliland sida ay sheegtay wasaarada Kaluumaysiga iyo badda jabuuti .

Dhanka kale isuduwaha wasaarada kaluumaysiga ayaa xaqiijiyey inay dawlada jabuuti badbaadisay afartan muwaadin ee dooni la xumaatay.

Afartan kaluumaystada ah ayaa qaarkood waxay ushaqaynayeen shirkada kaluumaysiga ee gamuur , dhamaantood way cafimaad qabaan marka laga yimaado mudo ay ku godoonsanayeen dhinaca badda oo deris la ahayeen macaluusha iyo duruufaha adag ee badda wakhtiyada xagaaga hadda waxay ku sugan yihiin dalka jabuuti.