Muxuu Ka yiri Madaxweyne Farmaajo Heshiiska Itoobiya & Soomaaliya?

0

Fb Img 1624216649434 696x464

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyey in awood-siinta ganacsatada Soomaaliyeed iyo xaqiijinta suuqyo heer gobol ah oo loo iib geeyo waxsoosaarka dalkeenna ay kor uqaadeyso dhaqaalaha dalka, fursadaha shaqaaleysiinta dhallinyarada iyo heer nololeedka shacabkeenna.

Madaxweynaha oo warbixin ka dhageystay Wasiirrada Wasaaradaha, Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Mudane Cabdullahi Bidhaan Warsame, Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Durraan Axmed Faarax ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in ganacsiga kala dhexeeya dalkeenna dalalka dariska uu ku saleysan yahay isu dheellitirnaan iyo waxwada qabsi , iyada oo ganacsatada Soomaaliyeed ay helayaan dheef-dhaqaale oo u dhiganta tan dhiggooda badeecadaha keensada dalka.

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Mudane Cabdullahi Bidhaan Warsame ayaa kulankii xalay Madaxweynaha la yeesheen kadib faah faahin ka bixiyey waxyaabaha kasoo baxay shirkaasi.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA