Rooble oo magacaabay guddiga Amniga Qaranka Doorashooyinka

0

Rooble 1 696x537 1

Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddiga Amniga Qaranka Doorashooyinka iyadoo ay ku jiraan Xubnaha Hogaamiyaha Talisyada Booliska Heer federaal,5-ta Dawlad Gobolleed,AMISOM iyo Gobolka Banaadir.

Saraakiisha xubnaha ka ah Guddigaan la sameeyey ayaa waxay yihiin kuwo iskala shaqeyn doona sugida Amniga inta doorashada ay socoto,kulamo dhexdoodana yeelan doona.

Waxaa madax u ah Guddigaan Wasiirka Koobaad Ee Xukuumada Maxamed Xuseen Rooble,iyadoo wax uusan ogeyn R/wasaaraha aysan tallaabo qaadi doonin.

Taliyeyaasha Booliska K/Galbeed,Jubbaland,Puntland,Galmudug iyo HirShabelle ayaa ku jira Guddiga,sidaas oo kale Taliyaha Booliska Soomaaliya,Taliyaha Booliska AMISOM & Taliyaha Booliska G/banaadir.

Madaxda Amniga ee guddiga ku jira ayaa looga fadhiyaa istaraatiijiyad guud oo nabad gelyada doorashada lagu sugayo,xilli maalin kahor lasoo gudbiyey Liiska guddiyada Doorashada wixii hadda ka dambeeyana doorashada la guda gelayo.

Rooble ayaa ku dhawaaqay in doorasho xor iyo xalaal ah ay gaarsiin doonaan dalka oo cid eexasho loo sameyn doono jiri doonin.